Khamanei: Iran waxa ay u aari doontaa muwaadiniinteeda

Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in Iran aysan ka laba labeyn doonin inay “u aargudato dhiigga Iiraaniyiinta la dilay.”

Wuxuu sheegay in tani si gaar ah u khuseyso dhacdadii ka dhacday Minab, halkaas oo weerar gantaal uu ku dhacay iskuul, laguna dilay 168 qof, oo ay ku jireen ku dhowaad 110 carruur ah.

Iran waxay sheegtay in iskuulka lagu dhuftay gantaalMaraykan ah, balse Maraykanka ayaa diiday inay mas’uul ka tahay weerarkaas, iyada oo sheegtay in baadhitaan wali socdo.

Warbixinno hordhac ah oo ka soo baxay baadhitaanno gudaha Maraykanka ayaa tilmaamaya in laga yaabo in gantaalka Maraykanku si qalad ah ugu dhacay goobta, iyadoo la adeegsanayo xog bartilmaameed oo duug ah, maadaama iskuulka uu ku dhowaa xarun ay leeyihiin Islamic Revolutionary Guard Corps.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker