Iiraan oo weerar lama filaan ah ku qaadi karta dal aan laga fileyn
Warbixin kooban oo ay FBI-du u dirtay hay’adaha fulinta sharciga ee Los Angeles (LA) toddobaadkii hore ayaa ka digtay, in Iiraan ay qaadi karto weeraro oo aan la filayn oo ay ku qaaddo California, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ee CBS oo bah wadaag la ah BBC-da.
Saraakiisha amniga ee ka socda hay’adaha fulinta sharciga ee Mareykanka iyo California ayaa warbaahinta u sheegay, inaysan jirin wax laga ogyahay macluumaadka gudaha ee la diray oo ku saabsan walaaca laga qabo weerarka la sheegay.
Fariinta digniinta ah ayaa la diray ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Iiraan.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ka hor inta aan la shaacin warka amniga ee FBI-da, Madaxweyne Donald Trump ayaa iska fogeeyay fikradda ah in Iran ay weerarro ka geysato gudaha Mareykanka.
Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa qoraal soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter isagoo yiri: “In kasta oo aynaan weli si dhab ah u ogeyn walaac dhab ah, haddana waxaan diyaar u nahay oo aan sugeynaa xaaladaha degdegga ah ee ka jira deegaannadeenna.”
“Arrintan waa la baarayaa, laakiin waxyaabo badan ayaa socda, waxa kaliya ee aan sameyn karno waa inaan soo dhaweyno marka ay yimaadaan,”.
Weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iiraan ayaa si sahlan u ballaartay kaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay tamarta adduunka iyo suuqyada saamiyada.




