Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay xarigga darawallada Bajaajta ee Muqdisho

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay isticmaalka gacan-ka-hadalka ee lagula kacay darawallada Bajaajta oo si nabad ah u cabbirayay cabashadooda, iyo sidoo kale xarigga loo geystay qaar ka mid ah darawalladaas iyo suxufiyiintii tebinayay dibadbaxa.

Bayaan saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in darawallada Bajaajta ay yihiin shaqaale hal-abuur leh oo dadaal ku bixiya nolol-maalmeedka, islamarkaana door muhiim ah ka qaata dhaqaalaha dalka.

Golaha ayaa xusay in aysan ahayn wax la aqbali karo in dhallinyaro shaqo-abuur sameynaya lagu cabburiyo caga-jugleyn, xarig ama xoog.

Goluhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in mudaharaadyada nabadeed iyo cabbiridda aragtida ay yihiin xuquuq aasaasi ah oo uu dammaanad qaadayo nidaam kasta oo ku dhisan sharciga iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

Waxa uu ka digay in caburinta xuquuqahaas ay sii hurin karto niyad-jab iyo carada ka dhex jirta dhallinyarada la tacaalaysa caqabado dhaqaale iyo bulsho.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa muujiyay taageerada uu u hayo darawallada, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay cabashadooda u muujiyaan si nabad ah oo masuuliyad leh, isla markaana ay xuquuqdooda ku dalbadaan dariiqooyin sharci ah.

Ugu dambayn, goluhu wuxuu ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo maamulka dowladda in si degdeg ah loo sii daayo darawallada Bajaajta ee ku xiran saldhigga booliska degmada Hodan, isla markaana si buuxda loogu soo celiyo xorriyaddooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker