Weerar cusub iyo milatariga Israa’iil oo hadlay
Ciidamada milatariga ee Israa’iil ayaa bayaan ay gordhowed soo saareen ku sheegay in ay fuliyeen duqeyn cirka ah oo cusub oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda Bayruut ee dalka Lebanon.
Sida ay milatarigu sheegeen, weerarradan waxaa lagu beegsaday kaabayaasha iyo xarumaha uu isticmaalo ururka Xisbullaah oo ay taageerto Iiraan, kuwaas oo ku yaalla koonfurta magaalada Bayruut.




