Iiraan oo weerarro ku qaadday Israa’iil iyo Gacanka Carabta
Saacadihii ugu dambeeyay, Iiraan ayaa qaaday mowjado cusub oo weerarro ah oo ay ku beegsatay bartilmaameedyo ay Bariga Dhexe. ku leeyihiin Isra’iil iyo Maraykanka.
Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa sheegtay in duqayntan ay tahay tii ugu xoogga badnayd uguna cuslayd tan iyo markii uu bilowday dagaalka, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.
Israa’iil ayaa sheegtay inay aqoonsatay gantaallo laga soo tuuray dhanka Iiraan, balse markii dambe waxay ku dartay in muwaadiniintu ay ka baxaan meelaha ay gabaadka kaga jireen.
Sacuudiga ayaa sheegay in uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa goob shidaal laga soo saaro.
Dhinaca kale, siidhiga digniinta ayaa sidoo kale laga maqlay dalka Baxrayn, oo martigeliya saldhig weyn oo ciidammada Maraykanku ay leeyihiin.




