Hoggaamiyaha ugu sareeya ‘waa bad qabaa’
Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan Mojtaba Khamenei waa “bad-qabaa” iyadoo ay jiraan warar sheegaya in la dhaawacay, sida uu sheegay wiil uu dhalay madaxweynaha Iriaan Masoud Pezeshkian.
Yousef Pezeshkian ayaa ku qoray Telegram in uu “maqlay warbixinnada” sheegaya in hoggaamiyaha ugu sarreeya la dhaawacay.
“Waxaan weydiiyey dhowr saaxiibbo ah oo xiriir la lahaa, waxayna igu yiraahdeen: Ilaahey mahaddii, wuu nabad qabaa, dhibna ma qabo,” ayuu yiri.




