Netanyahu: Waxaan jeclaan lahaa in shacabka Iiraan ay iska xoreeyaan “cadaadis iyo kali-talisnimo”
Xafiiska warbaahinta ee dowladda Israa’iil ayaa Talaadadii (10-ka Maarso) soo saaray muuqaal ay ku jiraan saraakiil caafimaad oo ka tirsan Machadka Qaranka ee Caafimaadka Israa’iil, kuwaas oo u sharraxaya xaaladdii ugu dambaysay Ra’iisul Wasaare Netanyahu.
Netanyahu ayaa yiri “Rabitaankeennu waa inaan fursad u siino shacabka Iiraan si ay uga xoroobaan harqoodka kali-talisnimada.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ugu dambayn, arrintu iyaga ayay u taallaa. Laakiin shaki kuma jiro in tallaabooyinka aan qaadnay ilaa hadda ay si weyn u wiiqayaan dowladdooda , waxaana weli imanaya tallaabooyin kale.”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale saadaaliyay mustaqbal ka wanaagsan oo u soo hoyan kara Iiraan iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil haddii arrintaasi guulaysato.
“Haddii aan annaga iyo shacabka Iiraan wada guulaysanno, waxaan soo afjari doonnaa xaaladdan si mustaqbalka waxyaalahan oo kale aysan mar dambe uga dhicin nolosha quruumaha.”




