Iiraan oo weli duqaynaysa wadammada Gacanka

Iyada oo Maraykanka iyo Israel ay sii wadaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Iiraan, sidoo kalana ay Israel weerarayso Lubnaan, ayaa duqeymo is-daba-joog ah oo looga jawaabayo oo ka imanaya Iran ay ku wajahan yihiin waddamda Kahliijka.

Saudi Arabia ayaa sheegay in uu ka hortagay gantaal balistik iyo shan diyaaradood oo weerar ah habeenkii. Ciidamada Kuwait ayaa sheegay in ay si guul leh u qabteen lix diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn.

Kaddib dhimashada haweeney 29-jir ah weerar ka dhacay caasimadda Bahrain ee Manama habeenimadii Isniinta, Bahrain ayaa daarat siidhiga digniinta, isla markaana ku boorisay dadka deegaanka inay meel joogaan.

Wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa Salaasadii ku dhawaaqday inay sii wadayso ka hortagga “khataraha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” ee ka imanaya Iran, iyadoo adeegsatay nidaamyo difaac cirka ah iyo diyaarado dagaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker