Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan weli kama soo muuqan Taleefishinka, hase ahaatee waa ay dabaal degayaan
Waxaan la socday teleefishinka dowladda Iran tan iyo markii habeenkii Axadda lagu dhawaaqay magacaabista Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, inuu noqdo hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Inkasta oo jawiga telefishinka dowladda uu ahaa mid dabaal-deg oo ka muuqdo tan iyo markii la doortay, Khamenei laftiisu weli ma uusan soo saarin wax bayaan ah mana uusan ka soo muuqan meel fagaare ah.
Kanaalka wararka ee telefishinka dowladda ayaa ku tilmaamay โhalyeey ka qayb galay dagaalkii Ramadaan,โ balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka socda.
Marka laga soo tago aabbihiis, hooyada iyo xaaska Mojtaba Khamenei sidoo kale waxaa lagu dilay weerarradii Maraykanka iyo Israaโiil.
Madaxweynihii Maraykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay inuu โka niyad jabayโ doorashada Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha sare. Kahor intaan la dooran, Israaโiil waxay sheegtay inay โsii wadi doonto daba-galka cid kasta oo beddeli karta.โ
Qaar ka mid ah Iiraaniyiinta gudaha dalka jooga ee ka soo horjeeda nidaamka ayaa ii sheegay inay filayaan inuu sii wadi doono siyaasadaha adag ee aabbihiis.
Mojtaba waa wiilka labaad ee Ali Khamenei, inkasta oo muddo dheer loo arkayay mid ka mid ah dadka ugu horreeya ee beddeli kara, haddana wuxuu inta badan ku sugnaa muuqaal hoose, isaga oo la rumeysan yahay inuu saameyn ku lahaa arrimaha siyaasadda isaga oo ka shaqaynaya gadaal
Labada hoggaamiye ee isaga ka horreeyayโAli Khamenei iyo aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah Ruhollah Khomeini (oo aan qaraabo la ahayn)โwaxay hore u dhaliileen in talada lagu kala dhaxlo qoys ahaan, iyagoo tixraacaya boqortooyadii Pahlavi ee la riday intii lagu jiray Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979.




