Gantaalada Iiraan ee sii yaraanaya iyo digniin Maraykanku u diray Mojtaba Khamenei
Xooghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa wax laga weydiiyey hoos u dhaca awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, kadib warar sheegaya in la dhimay 90%.
Hegseth wuxuu ku jawaabay inaysan ka dhignayn in ciidamada Iran aysan awoodin inay gantaallo tuuraan, balse tiradu waxay muujinaysaa โwaxtarkaโ weerarrada Maraykanka.
Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey in uu ka hadlo wararka sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu dhaawacmay.
Hegseth wuxuu ku jawaabay in Khamenei uu โgaraad yeelan lahaaโ haddii uu dhageysto fariinta Donald Trump ee ah inuusan raacin hubka nukliyeerka, inkastoo uusan ka hadlin in la waxyeeleeyay iyo in kale.




