Sucuudiga oo sheegay in ay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday goob saliid laga soo saaro
Wasaaradda Gaashaandhigga Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in la soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday xarunta saliidda ee Shaybah.
Wasaaraddu waxay ku qortay barta X n drone-tu ku socotay goobtaas saliidda laga soo saaro, balse la qabtay laguna burburiyay hawada ka hor inta aanay halkaasi gaadhin.
Goobta saliidda ee Shaybah waxay ku taallaa gobolka Rub’ al-Khali ee koonfur-bari Saudi Arabia oo qiyaastii 10 kiiloomitir koonfur ka xigta Abu Dhabi.




