Masar oo ah dalka ugu awoodda badan Carabta oo ka hadashay Beegsiga dalalka Khaliijka
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa muujiyay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan kordhinta xiisadda milatari ee gobolka, sii socoshada dagaalka Iran, iyo cawaaqib xun oo daran, oo ay ku jiraan kororka qiimaha tamarta iyo saameynta ku timaadda silsiladaha sahayda iyo gaadiidka hawada iyo badda, iyadoo arrintani saameyneyso Masar iyo heer goboleed iyo caalami.
Wada hadal uu la yeeshay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, Axaddii, ayaa Madaxweynaha Masar ku cambaareeyay beegsiga dalalka Carabta ee Iran, isagoo ka digay khataraha dagaalka uu ku fidi karo iyo suurtagalnimada in uu geliyo gobolka oo dhan xaalad fowdo ah.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo xiisadda ka taagan Lubnaan, in la joojiyo beegsiga kaabayaasha, iyo muhimadda dadaallada wadajirka ah ee dalalka kala duwan ,oo ay ka mid yihiin Masar Sacudiga, Qatar, Mareykanka, iyo Fransiiska, si xaalada Lubnaan loo dejiyo iyo in ciidanka Lubnaan uu qaato mas’uuliyaddiisa, isla markaana hubka lagu koobo gacanta dowladda.




