Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta oo dalbaday in la sii daayo wariye ku xidhan Hargeysa

Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta (CPJ) ayaa dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo wariye Axmed-Saki Ibraahin, oo lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan xaaladda xorriyadda saxaafadda ee Somaliland.

Sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay guddigu, walaalka wariyaha ayaa u sheegay in Axmed-Saki Ibraahin lagu hayo xabsi ku yaalla Hargeysa, inkastoo aan si cad loo shaacin eedaha rasmiga ah ee loo haysto.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in sanadkii u dambeeyay ay jireen xadhigyo badan oo loo geystay suxufiyiin iyo shaqaale warbaahineed, arrintaas oo ay ku sheegeen inay muujinayso cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo warbaahinta.

CPJ ayaa intaas ku dartay inay isku dayeen inay faahfaahin ka helaan xukuumada, iyagoo codsiyo u diray Madaxtooyada Somaliland, Wasaaradda Warfaafinta, iyo Taliska Booliska, balse ayna wax jawaab ah ka helin ilaa waqtiga warbixinta la daabacay.

Ugu dambayn, Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta ayaa ugu baaqay  Somaliland inay ixtiraamaan xorriyadda saxaafadda, isla markaana ay suxufiyiinta u oggolaadaan inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in xukuumadda cusub ee Somaliland, oo xilligii ay mucaaradka ahayd si weyn ugu dooddi jirtay xorriyadda saxaafadda, tan iyo markii ay talada qabatay ay xabsiga dhigtay tiro wariyayaal ah, arrintaas oo dhalisay dhaliilo iyo walaac ay muujinayaan ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker