Dowladda Cumaan oo si kulul uga hadashay go’aanka lagu weeraray iraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Oman, Badr al-Busaidi, ayaa ku tilmaamay tallaabada ay United States iyo Israel ka qaadeen Iran inay tahay “anshax-darro iyo sharci-darro”, laakiin isla markaas wuxuu tilmaamay in jawaabta Tehran, oo saameysay dalalka deriska ah, ay tahay “aad looga xumaado oo aan la aqbali karin.”

Al-Busaidi, oo kaalin dhexdhexaadin ah ka ciyaaray wada-hadallada dadban ee u dhaxeeyey Washington iyo Tehran ka hor inta aysan labada dhinac galin khilaaf soconayay muddo ku dhow hal toddobaad, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha X ku yiri:

“Tallaabada ay Israa’iil iyo Mareykanku ka qaadeen Iran waa anshax-darro iyo sharci-darro. Laakiin jawaabta Iran ee ka dhanka ah deriskeeda waa mid aad looga xumaado oo aan la aqbali karin. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, in la helo joojin dagaal, iyo in si degdeg ah dib loogu laabto wada-hadal diblomaasiyadeed.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker