‘Aabbihiis isagaa ka daran’ – Iiraaniyiinta oo ka falceliyay hoggaamiyaha sare

BBC Persian ayaa dadka ku nool gudaha dalka Iiraan ka dhagaysanaysay dareenkooda ku aaddan magacaabista Mojtaba, oo ah wiilka Cali Khamenei, kaas oo loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka.

Haweenay deggan Tehran oo da’deedu tahay 40-meeyo ayaa ku tilmaantay Mojtaba mid “ka daran aabbihiis.”

“Haddii uu nool yahay, waxaan u malaynayaa in Mareykanka iyo Israa’iil ay beegsan doonaan. Ilaa xalay markii la doortay, qof kastaa wuxuu ku dhawaaqayay halku-dhigyo ka dhan ah Mojtaba. Qofna ma aqbalayo marka laga reebo taageerayaasha nidaamkan,” ayay tiri.

Haweenay kale oo u dhalatay Tehran, oo da’deedu tahay 20-meeyo, ayaa tiri “isagu xataa wuu ka cabsi badnaan doonaa aabbihiis.”

“Waxaan runtii rajaynayaa in noloshooda [mas’uuliyiinta] ay ku dhammaato dagaalka; haddii kale, haddii aan ku hoos jirno xukunkiisa, dhammaanteen waan dhimanay,” ayay tiri.

Nin u dhashay Karaj oo da’diisu tahay 20-meeyo ayaa yiri: “Xataa magaciisa hore uma maqal ama si dhab ah umaan qaadan jirin.”

Wuxuu intaas ku daray in “hadda ay caddaan doonto in Trump uu heshiis la galay iyo in kale.”

BBC Persian waa laanta ku baxda luuqadda Faarisiga ee BBC News, kaas oo ay isticmaalaan 24 milyan oo qof adduunka oo dhan — inta badan ku nool gudaha Iiraan — inkasta oo ay xannibeen oo ay si joogto ah u carqaladeeyaan mas’uuliyiinta Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker