Trump oo la waydiiyey cida ka dambaysay duqayntii Iskoolka gabadhaha ee Tehran iyo wuxuu ku jawaabay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wariyaashu waydiiyeen isagoo saaran diyaarada Air Force One, wax ku saabsan duqayntii iskool gabdhaha oo ku yaalla koonfurta Tehran kaas oo la duqeeyey sabtidii.

Masuuliyiinta Iran ayaa sheegay in 160 qof lagu dilay , BBC-du ma awoodin inay si madaxbannaan u xaqiijiso tirada dhimadashada.

Isagoo saaran diyaarada isagoo saaran diyaarada Air Force One, sabtiii xalay, Trump oo la waydiiyey in Maraykanku masuul ka yahay duqayntaas oo ka dhacday meel u dhow saldhig ciidamda ilaalada kacaanka IRGC.

โ€œMaya, aragtidayda, oo ku salaysay waxaan arkay, taas waxaa sameeyey Iranโ€ayuu ku jawaabay madaxweynuhu.

Wariye kale oo waydiiyey xoghayaha difaacda Maraykanka Pete Hesgeth, haddii taasi run tahay: wuxuu ku jawaabay โ€œwaa baaraynaa, laakiin laakiin dhinaca kaliya ee bartilmaameedsada raydika waa Iranโ€

Trump ayaa mar kale ku celiyey โ€œWaxaan u malaynayaa Iran ayaa samaysan, aad bay u khaldan yihiin,. Sidaad la socotaan, hubkooda sax ma aha. Wax saxsanaan ah ma leh. Arrintan waxaa sameeyay Iran.โ€

Toddobaadkii hore, Marco Rubio ayaa adkeeyay: โ€œMaraykanku si ula kac ah ma bartilmaameedsan doono dugsi,โ€ isagoo sheegay in ciidamada Maraykanku โ€œaysan wax dhiirrigelin ah u lahayn inay bartilmaameedsadaan kaabayaasha rayidka.โ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker