Isreal oo war ka soo saartay waxa dhaliyey olol weyn oo caawa Tehran ka dhacay
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay inay duqeeyeen “dhowr dhisme oo keydin shidaal ah” oo ku yaal Tehran, ka dib markii muuqaallo aan hore u soo sheegnay ay muujiyeen olol weyn oo ka kacay magaalada.
Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay sheegeen inay ahayd “weerar muhiim ah” oo ka dhan ah haamaha shidaalka oo ay sheegeen in nidaamka Iiraan uu “si toos ah oo joogto ah u isticmaalo si uu u shaqeeyo kaabayaasha militariga”.




