Baaq la yaab leh oo Raysal Wasaarihii hore ee Isreal u jeediyey dowladiisa kuna saabsan Iran
Mucaaradka Israa’iil ayaa ku boorriyay dowladda habeenkii Sabtida inay “burburiso dhammaan goobaha saliidda ee Iiraan” si loo curyaamiyo dhaqaalaha qaranka.
Yair Lapid wuxuu sheegay in tan, marka lagu daro weerarrada warshadaha tamarta ee Iiraan, ay “burburin doonto nidaamka”.
โDagaalkan waa inuu dhammaadaa marka nidaamka Iran uu dhaco,โ ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oron jiray Twiter.
Wuxuu intaas ku daray in goobaha nukliyeerka ee Iran, warshadaha gantaallada ballistic-ga, iyo sidoo kale ururka Xisbullah ay tahay in sidoo kale la burburiyo.




