Qaraxyo ka dhacay garoonka Mehrabad ee Iiraan
Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay qaadeen weerar culus oo ka dhan Iiraan iyaga oo bartilmaameedsaday xarumaha maamulkaasi.Muuqaallo ay baraha bulshada ku baahiyeen dad goobjoogayaal ah ayaa muujinaya diyaarado gubanaya iyo qiiq weyn oo ka kacaya Garoonka Diyaaradaha Mehrabad oo ah garoonka ugu mashquulka badan Iiraan islamarkaana ah xarunta ugu weyn ee duulimaadyada gudaha.
Sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday Jimcihii ayaa muujinaya diyaarado dhowr ah oo ]yaalla goobta ay diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka.
Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in qaybo ka mid ah garoonka la beegsaday.




