Madaxweynaha Iran oo sheegay in Iran aysan weerari doonin dariskeeda ‘haddii aan marka hore la soo weerarin’

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa hadda fariin muuqaal ah ka sii daayay Telefishinka Qaranka Iran.

“Waxaan u arkaa inay lagama maarmaan tahay in la raali galiyo dalalka deriska ah ee la weeraray,” ayuu yiri.

“Ma doonayno inaan ku duulno dalalka deriska ah,” ayuu yri, wuxuuna ku baaqayaa iskaashiga gobolka si “loo sameeyo nabad iyo xasillooni”.

Pezekshian wuxuu intaa ku daray in go’aan hoggaamineed la siiyay ciidamada qalabka sida: “hadda wixii ka dambeeya, ha weerarin waddamada deriska ah ilaa markii hore la weeraro.”

“Kuwa ka fikiraya inay xilligan ka faa’iidaystaan ​​​​si ay u weeraraan Iran waa inaysan noqon calooshood u shaqeystayaal boqortooyo ah,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo raaciyay in taageeridda Israa’iil ama Mareykanka “aysan ahayn waddo sharaf iyo xorriyad ah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker