Iiraan oo weerartay kooxaha Kurdiyiinta oo uu Maraykanku rabo in ay qabsadaan Iiraan
Ciidamada Iiraan ayaa sheegay in ay weeraro gantaallo ah ku qaadeen xarumo ay leeyihiin kooxaha Kurdiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda Iiraan, kuwaas oo ku sugan waqooyiga Ciraaq. CIA-da ayaa ka shaqaynaysa in kooxahani weerar dhulka ah ku qaadaan Iiraan.
Bayaan ay warbaahinta dowladda Iiraan baahisay ayaa lagu sheegay in ciidamada dalkaasi ay saddex gantaalo ku beegsadeen โkooxo Kurdiyiin ah oo ka soo horjeeda kacaanka Iiraanโ oo ku sugan dhulka Kurdistaan ee Ciraaq.
Weerarradan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha ay Iiraan ka fulinayso deegaanada Kurdiyiinta ee ku kala yaalla gudaha Iiraan iyo Ciraaq. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in xaaladdu kacsan tahay iyadoo la tuhunsan yahay in Maraykanku doonayo in kooxaha Kurdiyiinta ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan, xilli ay socdaan weerarro ay Maraykanka iyo Israaโiil ku qaadayaan dalkaas.
Warbaahinta BBC-da ayaa xaqiijisay in hal qof uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ay Iiraan Talaadadii iyo Arbacadii ku qaaday laba saldhig oo kala duwan oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta.
Mid ka mid ah saldhigyada ayaa la sheegay in gantaal ballistik ah uu ku dhacay 11:00 subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, taas oo dhaawacday afar askari oo ka tirsan ciidamada Peshmerga-da Kurdiyiinta. Mid ka mid ah askartaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaadhay.
Weerarkaasi wuxuu burburiyay mid ka mid ah dhismayaashii saldhigga, iyadoo goobta laga arkayay burbur baaxad leh. Waxaa sidoo kale halkaasi ka muuqday god weyn oo uu gantaalku ka qoday dhulka. Dhanka kale, saldhig kale oo ay leedahay xisbiga Democratic Party of Iranian Kurdistan (KDPI) ayaa la sheegay in Talaadadii lagu qaaday laba weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo dhaawacay hal qof oo rayid ah.
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee siyaasadda ee KDPI ayaa BBC-da u sheegay in Kurdiyiintu ay rumeysan yihiin in dagaal ay ku qaadaan gudaha Iiraan ah uu dhawaan dhici karo, inkastoo aanu sheegin waqti cayiman. Sidoo kale askari 25 jir ah oo lagu magacaabo Xasan, oo sita qori AK-47, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu gudaha u galo Iiraan si uu โxorriyada ugu dagaallamoโ.
Kurdiyiinta ayaa lagu qiyaasaa inay gaadhayaan inta u dhaxaysa 25 illaa 35 milyan oo qof, kuwaas oo ku nool dhul buuraley ah oo ku kala fidsan dalalka Turkiga, Ciraaq, Suuriya, Iiraan iyo Armeniya. Inkastoo ay yihiin qowmiyadda afraad ee ugu weyn Bariga Dhexe, haddana weligood ma helin dowlad madax-bannaan oo rasmi ah




