Dagaalka Iiraan ‘Israa’iil oo toddobaadkiiba khasaaraysa $2.9 bilyan’
Wasaaradda Maaliyadda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha dagaalka Israa’iil-Maraykanka ee Iiraan uu ka badnaan karo 9 bilyan oo shekel oo u dhiganta ($2.9 bilyan) toddobaadkiiba.
Khasaaraha dhaqaale ayaa lagu qiyaasay inuu gaarayo ilaa 9.4 bilyan oo lacagta (shekel) iyadoo la raacayo xayiraadaha heerka “casaanka” ee ay Israa’iil soo rogtay, kuwaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa shaqooyinka, sababaya xiritaanka iskuulada, iyo sidoo kale wicitaanka ciidanka kaydka.
Tiradaasi waxay hoos u dhici kartaa ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in la fududeynayo xayiraadaha qaar ka mid ah howlaha dalka Khamiistii.
Waxaa xusid mudan in marka loo guuro heerka “oranji” – oo ka fudud shaqooyinka marka loo eego heerka “gaduudka” – khasaaraha dhaqaale uu gaari doono 4.3 bilyan oo shekel toddobaadkiiba.




