Diyaarad ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad

Diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad maanta oo arbaca ah, sida ay werisay AFP iyadoo soo xiganaysa laba ilo oo amni.

Sida ku cad wararka, ma jiraan wax khasaare naf ama hantiyeed ah oo lasoo sheegay.

Garoonka ayaa ku dhex yaalla saldhig ciidan oo martigeliya xarun diblomaasiyadeed oo Mareykan ah, waxaana horey u deggenaa ciidammo isbahaysi uu hoggaaminayay Mareykanka.

Ciraaq waxay sheegtay inaysan doonayn inay ku lug yeelato dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, balse kama aysan badbaadin saameynta dagaalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker