Trump oo ku hanjabay jawaab degdeg ah kadib weerar lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Riyadh
Weerar ay fuliyeen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) ayaa aroornimadii Talaadada lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca ee Boqortooyada Sacuudiga. Weerarkaasi ayaa sababay dab iyo burbur soo gaadhay safaarada.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in laba diyaaradood ay si toos ah u beegsadeen safaaradda, balse ciidamada difaaca cirka ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro kale oo lala damacsanaa xaafadda diblomaasiyiinta ee Riyadh.
Madaxweynaha Mareykanka, , ayaa si kulul uga hadlay weerarka, isaga oo u sheegay warbaahinta in Mareykanku “si dhakhso ah” uga jawaabi doono. “Waxaad ogaan doontaan dhawaan,” ayuu yidhi Trump, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca tallaabada la qaadi doono.
Wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sidoo kale xaqiijisay in dab-damisyo lagu arkay hareeraha safaaradda, isla markaana la xakameeyay dabkii ka kacay goobta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn isla markaana ay arkeen qiiq ka baxaya dhismaha safaaradda, oo ku yaalla xaafadda ay degan yihiin safaaradaha shisheeye.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Sacuudigu ay ka hortageen afar diyaarad kale oo ku wajahnaa xaafadda diblomaasiyiinta. Saacado kadib, wasaaradda difaaca ayaa shaacisay in siddeed diyaaradood lagu soo riday meel u dhow Riyadh iyo magaalada Al-Kharj.
Weerarradan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad militari ay ka taagan tahay dalalka Khaliijka, iyadoo Iiraan la sheegay in ay waddo weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhan ah dalal ku yaalla gobolka. Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay la tacaaleyso gantaallo ballistik ah oo kaga imaanaya dhinaca Iiraan, halka Qatar ay iyaduna sheegtay in ay qabatay laba gantaal oo ballistik ah aroornimadii Talaadada.
Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in safaaradda Mareykanka ee Kuwayt ay sidoo kale soo gaadhay waxyeello kagata timid weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha halkaas ka dhashay.
Kadib weerarka Riyadh, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, iyadoo ku amartay in ay hoygooda ku nagaadaan, isla markaana la xaddiday safarrada aan daruuriga ahayn ee ku wajahan xarumaha militari ee gobolka.
Weerarradan is-daba-joogga ah ayaa sare u sii qaadaya xiisadda amni ee ka taagan gobolka Khaliijka, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto sida uu Mareykanku uga falcelin doono weerarka lagu qaaday safaaraddiisa Riyadh.




