Iiraan oo soo saartay hanjabaad culus “albaabka Naarta ayaa ku furmaya Mareykanka iyo Israa’iil
Afhayeenka rasmiga ah iyo ku-xigeenka madaxa xiriirka dadweynaha ee ilaalada kacaanka eeIiraan, Janaraal Cali Maxamed Naa’ini, ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanku ay sii wadi doonaan waajibaadkooda iyagoo hoos imanaya hoggaanka Ahmad Vahidi.
Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim News Agency ayaa ka soo xigatay isaga isheegay in taliyeyaasha ciidamada, guutooyinka iyo cutubyada dagaalka ay u aargudi doonaan dhiigga “shuhadada” islamarkaana ay gaarsiin doonaan “jab waji-gabax leh” cadawga Iiraan.
Naa’ini wuxuu intaas ku daray in “cadawgu” uu filan karo weerarro joogto ah, isla markaana “albaabbada jahannamo si isa soo taraysa loogu furi doono Maraykanka iyo Israa’iil” iyadoo la casriyeynayo gantaallada.




