Iiraan oo duqeysay xarumaha mid ka mid ah shirkadaha ugu muhiimsan ee imaaraadka
Amazon ayaa dabayaaqadii Isniintii ku dhawaaqday in laba ka mid ah xarumaheeda xog-kaydsiga (data centers) ee ku yaalla Imaaraadka si toos ah loola beegsaday diyaarado aan duuliye lahayn , taasoo hakad gelisay adeegyada kaydinta xogaha ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.
Shirkaddu waxay sidoo kale ku sheegtay cusboonaysiin lagu daabacay boggeeda kormeerka xaaladda adeegga in xarun ku taalla Baxreyn ay iyaduna waxyeello kasoo gaartay “weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhacay meel u dhaw xarunta shirkadda.”
Amazon ayaa bayaan ku sheegtay in “sababo la xiriira colaadda ka socota Bariga Dhexe, labada qeybood-ba ay la kulmeen waxyeello ka dhalatay weerarro diyaaradaha aan duliyaha lahayn,” taasoo saameysay kaabeyaasha adeegga.
Waxay intaas ku dartay in weerarradani “sababeen burbur dhisme, carqalad ku timid qalabka tamarta ee kaabeyaasha shirkadda, mararka qaarna ay qasab noqotay in la sameeyo hawlgallo dab-damis ah, taasoo keentay waxyeello dheeraad ah oo dhnaka biyaha ah.”




