Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay diyaaradaha lagu soo riday dalka Kuwayd

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee gobolka ee CENTCOM ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka oo ay leeyihiin ay soo rideen difaacyada Kuwayd

War-saxaafadeedka CENTCOM ayaa lagu sheegay in saddex diyaaradood oo nooca F-15E ay ku jireen duulimaad taageero ah markii lagu soo riday hawada Kuwait โ€œsida muuqata fal aan ula kac ahyn.โ€

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradahaasi ay la dagaallamayeen โ€œdiyaarado Iiraan laga leeyahay, gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn,โ€ balse โ€œsi khalad ah ay u soo rideen difaacyada cirka ee Kuwayd.โ€

CENTCOM waxa kale oo ay sheegeen in โ€œdhammaan lix duuliye oo saarnaa ay si nabad ah uga boodeen diyaaradaha,โ€ isla markaana ay dib ugu biireen ciidamadooda.

CENTCOM ayaa u mahadcelisay Kuwayd taageerada ay bixisay, waxeyna sheegeen in la baarayo baarayo sababta dhacdadan keentay.

Saldhigga Khatam al-Anbiya ayaa isaguna sheegay inuu saddex diyaaradood oo dagaal oo Maraykanku leeyahay lagu soo riday gudaha Kuwayd.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker