Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay tallaabadii lagu celiyay diyaarad siday xildhibaano ka soo jeeda Puntland

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay goโ€™aan ay sheegeen inuu lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee lagu amray in hawada laga soo celiyo diyaarad siday xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday deegaan doorashadooda ee Puntland.

Goluhu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid leh cawaaqib sharci, dastuur iyo siyaasadeed oo culus, isagoo sheegay in xildhibaanadu ay leeyihiin xasaanad iyo xorriyad dhaqdhaqaaq oo uu dammaanad qaadayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, faragelinta safarkooda iyadoo la adeegsanayo amar ka yimid awoodda fulinta waxay jebinaysaa mabdaโ€™a kala-soocidda awoodaha dowladeed, isla markaana ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay hayโ€™adda sharci-dejinta.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka digay in hayโ€™adaha qaranka, gaar ahaan kuwa la xiriira duulista rayidka, aan loo adeegsan dano siyaasadeed.

Waxay sheegeen in hayโ€™adda duulista hawadu ay u xilsaaran tahay sugidda badqabka iyo nidaamka hawada dalka, balse aan loo adeegsan karin cadaadis siyaasadeed.

Tallaabadan ayay ku doodeen Golaha Mustaqbalka inay dhaawaceyso kalsoonida shirkadaha duulista, sumcadda hawada Soomaaliya iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka kaga xiran nidaamyada duulista rayidka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in goโ€™aankan uu sii fogeynayo khilaafka siyaasadeed xilli dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan degganaansho, wada-tashi iyo is-afgarad qaran.

Golaha ayaa ku baaqay in hoggaanka dalka uu muujiyo xilkasnimo, bisayl siyaasadeed iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo nidaamka federaalka iyo hayโ€™adaha dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo waxa ay ku tilmaameen โ€œjidgooyada safarka xildhibaanadaโ€, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo midnimada qaranka, isla markaana loo xoojiyo wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay tallaabadii lagu celiyay diyaarad siday xildhibaano ka soo jeeda Puntland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker