Madaxweyne Deni oo ku baaqay in Somalia la badbaadiyo.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa farriin u diray shacabka reer Puntland iyo waxgaradka kunool Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Madaxweynaha ayaa ugu yeeray shacabka Puntland inay u istaagaan u gurmashada dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dalku kujiro xaalad adag oo aan loo sii fiirsan karin.
“Dadka reer Puntland oo muddadooyinkii dambe dareensanaa waxa Xamar ka socda inay tahay wax aan u qalmin, waxaan lee yahay waxaani Soomaali oo dhan ayeysan u qalmin marka waxaan lee yahay inagaaba caymo joogna oo aysan dadkeenii u ooyeyn dhulal laga qaatay ee gurmadka dadka iyo dalka qaybtiina ka qaata”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Muqdisho,”Dadka Muqdisho jooge ee u jeeda waxa ay madaxdoodu samayn waxaan lee yahay inta aysan taladu faraha ka bixin dadka dulmiga la oynaya haku fiirsaninina.”




