Iiraan oo Xaqiijisay Geerida Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Cali Khamenei

Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Cali Khamenei, kadib markii warar hore oo ka yimid Maraykanka iyo Israa’iil ay sheegeen in la dilay. Bayaan lagu baahiyay baraha rasmiga ah ee Khamenei ayaa lagu muujiyay in gudaha Iiraan laga aqbalay geeridiisa kadib dafiraadii hore.

Wararka xaqiijinaya dhimashada Khamenei ayaa hore uga soo baxay Israa’iil iyo Maraykanka iyada oo masuuliyiinta Iiraan ay markii hore beeniyeen sheegashooyinka  geeridiisa, iyaga oo ku tilmaamay “dagaal nafsi ah” oo ka dhan ah Iiraan. Hase yeeshee, bayaan rasmi ah ayay hadda ku caddeeyeen in hoggaanka dalka uu aqoonsaday in Khamenei dhintay.

Khamenei ayaa talada Iiraan hayay tan iyo 1989, isaga oo ahaa hoggaamiye sare oo siyaasadeed iyo diimeed. Waxa uu kaalin muhiim ah ka qaatay go’aanada siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Iiraan, isaga oo ahaa qof udub dhexaad u ah hoggaanka dalka.

Geeridiisa ayaa la filayaa inay saamayn weyn ku yeelato qaab-dhismeedka hoggaanka Iiraan iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in arrintani ay keento isbeddelo siyaasadeed oo gudaha dalka ah iyo tartan ka dhex dhasha kuwa dhaxli doona hoggaanka.

Dastuurka Iiraan ayaa dhigaya in guddi ku meel gaadh ah oo ka kooban madaxweynaha, madaxa garsoorka iyo xubin ka tirsan Golaha Ilaalada Dastuurka uu la wareego awoodaha muhiimka ah ilaa la magacaabo hoggaamiye rasmi ah. Tani waxay noqon doontaa tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sidoo kale lagu badhtilmaameedsaday xarumo difaac iyo gantaallo oo ay Iiraan leedahay. Iiraan ayaa qaadday tallaabooyin rogaal celis ah, taasoo kordhinaysa khatarta dagaal ka dhex qarxi kara gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker