Dalalka Afrika ee digniinta kasoo saaray xiisadda Bariga Dhexe

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ka digay in xiisadda sii kordhaysa ee Bariga Dhexe, ee ka dhalatay iskahorimaadka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, ay wiiqi karto amniga caalamka, isla markaana ay dhaawac dhaqaale oo weyn u gaysan karto qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku boorriyay dhamaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakamayn horseeda dib-u-dhidibka dublamaasiyadda, isagoo ka digay in xiisadda sii kordhaysaa ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Isagoo soo xiganaya taariikhda Koonfur Afrika tusaale ahaan, Ramaphosa wuxuu sheegay in nabad waarta lagu gaari karo oo keliya wadahadal, caddaalad, iyo nabad ku wada noolaansho.

Qoraal ay barta Facebook soo dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaadday qaar ka mid ah dalalka Gacanka.

Suudaan ayaa sidoo kale soo saartay bayaan adag oo ay ku cambaaraynayso weerarradii gantaalaha ee Iiraan ku qaadday dalalka Qadar, Kuwayt, Urdun iyo Baxrayn, sida ay werisay warbaahinta dalkaas ee ‘Sudan Tribune’. Bayaanka Khartuum ma uusan xusin Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal kale oo Khaliijka ka tirsan oo la weeraray.

Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay, dhankooda, waxay dhaleeceeyeen ficillada Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, iyo sidoo kale jawaabta Tehran. Waxay kaloo ku baaqeen dadaallo dublamaasiyadeed oo cusub oo ay hormuud ka tahay Qaramada Midoobay si looga hortago in colaaddu sii kororto.

Dhowr waddan oo Afrikaan ah ayaa qaaday tallaabooyin ay ku ilaalinayaan muwaadiniintooda ku go’doonsan xiisadda. Uganda ayaa ku boorrisay muwaadiniinteeda ku sugan Iiraan inay baxaan haddii ay suurtagal tahay. Sidoo kale, waxay safaaraddeeda Tehran ka soo daad-guraysay shaqaalihii aan muhiimka ahayn.

Kenya ayaa iyaduna sheegtay in xasillooni darrada Bariga Dhexe ay caqabad ku noqon doonto dhoofinta badeecadaha muhiimka ah sida shaaha, qaxwada, ubaxa, hilibka iyo khudaarta ee loo diro dalal kala duwan iyadoo la marayo waddooyinka gobolkaas.

Kiiniya iyo Tansaaniya, oo xiriir ganacsi oo adag la leh dalalka Khaliijka, ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaawaca ka dhalan kara dakhligooda dhoofinta haddii waddooyinka maraakiibta la xiro muddo dheer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker