Dabaaldegyo iyo baroordiiq ka socda Iiraan

Qaar ka mid ah dadka reer Iran ayaa u dabaaldegaya warka sheegaya in Ayatollah Ali Khamenei lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

BBC-da Faaris ayaa xaqiijisay muuqaallo dad ku damaashaadayay magaalooyin dhowr ah xalay.

Saaka, inta badan waxa ka dhacaya waddooyinka ayaa u muuqda dhacdooyin lagu taageerayo dowladda oo loogu baroor diiqayo geerida hoggaamiyihii ugu sarreeyay, BBC Persian ayaa werisay – in kasta oo ay weli Iiraan u tahay subax hore oo laga yaabo in ay isbeddesho gelinka dambe ee maalinta.

Muuqaallo laga soo duubay waddooyinka Isfahan ee bartamaha Iran ayaa muujinaya dadka oo aad u faraxsan oo hoonka baabuurka ku garaacaya farxad.

Muuqaal kale ayaa muujiyay dadka oo isugu yimid dab meel ka kacaya. Dhowr qoys oo ka mid ah dibadbaxayaasha la dilay ayaa sidoo kale ku damaashaaday waddooyinka iyo guryaha.

Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in sidoo kale dabaaldegyo laga sameeyay magaalada Karaj oo ku dhow magaalada Tehran.

Magaalada Tehran, sawirro laga soo qaaday wakaaladaha wararka ayaa muujinaya dad waddooyinka taagan oo baroor diiqaya, qaarkoodna waxay hayaan sawirro Khamenei.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker