Madaxweynaha Somaliand oo maxaabiista xabsiyada ku jira cafis u fidiyay

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026.
Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;
Markii aan la-tashaday: Hayโ€™adaha ay khusayso;
๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay ๐Ÿ•๐Ÿ๐Ÿ‘ (๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐๐๐ž๐ฑ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐จ๐›๐š๐ง) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan.
๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก
______________
๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker