Diyaarad ciidamada Iraan leeyahiin oo dhacday iyo dad ku dhintay

Helikobtar ciidan ayaa goor maalinimadan talaadadii ku dhacday deegaanka Daraja ee gobolka Isfahan ee Iiraan, iyadoo dad dhowr ahi ku geeriyoodeen.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA, helikobtartu waxay ku dhacday suuqa khudaarta iyo miraha ee Daraja, taasoo keentay dab.

Agaasimaha Guud ee Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee gobolka Isfahan ayaa sheegay in shilka helikobtarka uu ka dhashay “cilad farsamo”.

Sida uu sheegay afhayeenka Difaaca Rayidka, marka laga reebo duuliyaha iyo kaaliyihiisa, laba milkiile oo lahaa dukaamo ah suuqa ayaa ku jiray ayaa sidoo kale ku dhintay shilka.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Iiraan iyo Maraykanku uu xumaaday, islamarkaana ay suurtagal tahay inay dagaal horseedo, inkastoo wadahadallo socda lagu raadinayo xal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker