Somaliland oo sheegtay in Imaaraadku yahay saaxiib istiraateji ah oo ay leedahay

Kadib markii dowladda Soomaaliya ay hoos u dhigtay xidhiidhka ay la leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, Somaliland ayaa sheegtay in Imaaraadku yahay saaxiib istiraateji ah oo maalgashaday kaabayaasha dhaqaalaheeda.

Iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ay masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Somaliland si joogto ah ugu celcelinayeen muhiimadda xidhiidhka Abu Dhabi iyo Hargeysa, haddana Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, oo wareysi siiyay AFP, ayaa sheegay in Imaaraadku garowsaday muhiimadda Somaliland xilli dunidu shaki ka qabtay.

“Imaaraadku waa dal aad ugu muhiim ah Somaliland, waayo xilli adduunku aanu aaminaad badan ka qabin muhiimadda dekedda Berbera, ayay dowladda Imaaraadku ogaatay, wayna maalgaliyeen wakhti aanu u baahnayn maalgelin,” ayuu yidhi Wasiir Khadar.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ay yihiin saaxiibo istiraatejiyadeed, isla markaana xataa ka hor intii aanay Dubai maalgashi ku samayn kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland uu xidhiidh wanaagsan oo dhaqaale ka dhexeeyay labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo isna dhawaan wareysi siiyay warbaahinta CNN Business Arabic, ayaa sheegay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Somaliland uu kor u sii kacayo marba marka ka dambaysa.

Imaaraadka ayaa Madaxweyne Cirro u suurageliyay labadii sanno ee u dambeeyay in si rasmi ah loogu martiqaado Shirka Dowladaha Adduunka ee lagu qabto magaalada Dubai, taas oo ay dowladda Soomaaliya hore meel adag uga istaagtay.

Dowladda Soomaaliya oo ka baxday dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Abu Dhabi ayaa sidoo kale sheegtay inay laashay xidhiidhada Somaliland ay la leedahay Imaaraadka, iyadoo ku baaqday in la burburiyo heshiiska DP World iyo Somaliland, taas oo ay Hargeysa ku gacan saydhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker