Ururka Midawga Oo Ganafka ku dhufay Xukunkii Somaliland dhawaan ku Fulisay 6 dii Dambiile
Ururka Midowga Yurub ayaa kasoo Horjeestay qaabka loo maray lix ruux oo dhawaan lagu toogtay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland .
ka dib markii Maxkamaddaha ku yaalla Dawladda Somaliland ay ku rideen xukuno dil ah.
Midowga Yurub ayaa sheegey in aad uga xumaadeen lix qof oo dhawaan lagu qisaasay Somaliland ayna kasoo horjeeddaan qaabka loo maray ciqaabta dadkaasi.
Ururku waxay sheegeen in aan lasoo bandhigin cadeymo muujinaya dambiyada ay galeen, taasna ay tahay mida aad uga naxisay .
“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan Adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yidhi War kasoo baxay Ururka.
Magacyada ragga ay Somaliand Toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan.
1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )
2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)
3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco)
4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)
5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)
6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)




