Trump oo sheegay in 10 maalmood gudahood la arki doono in Iran ay ogolaato heshiis ama ‘ay balaayo dhacayso’

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dunidu ay ogaan doonto “xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood” haddii Mareykanku uu heshiis la geli doono Iran ama uu qaadi doono tallaabo milateri.

Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Nabadda ee Washington DC, Trump wuxuu ka sheegay wada xaajoodka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka: “Waa inaan sameynaa heshiis macno leh haddii kale waxyaabo xun ayaa dhacaya.”

Maalmihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa awood militari ku soo kordhiyay Bariga Dhexe, halka horumar laga soo sheegay wada-hadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran ee ka dhacay Switzerland.

Dowladda Iran ayaa u sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in ay saldhigyada Mareykanka ee gobolka u arki doonto bartilmaameedyo sharci ah haddii loo adeegsado weerar kasta oo militari oo ka dhan ah Iran.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Tehran ayaa warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku sheegay in hadalada Trump ay muujinayaan khatarta dhabta ah ee weerar – balse waxa ay sheegeen in Iran aanay doonayn dagaal.

Sharci-dajiyayaal xisbiga dimuqraadiga ah, iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga, ayaa ka dhawaajiyay inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo millatari oo Iran ka dhici karta iyada oo aan oggolaansho laga helin Congress-ka.

Hadaladiisa, Trump wuxuu ku xusay in Ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo sidoo kale ah wiilka uu soddogga u yahay Trump, ay “kulamo aad u wanaagsan” la yeesheen Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker