Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta
Dunida Muslimka’ waxay ka bilaabataa galbeedka Afrika ilaa koonfur bari Aasiya. In kasta oo aanay isku mid ahayn, haddana waxa la isu keenay oo ay ku wada jiraan Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 waddan.
Dagaalada ka socda meelo badan oo dunida ah, sida colaada gaamurtay ee Falastiin iyo Israel, ayaa ku qasbay ciidamada dalalka Muslimka in ay si degdeg ah ula qabsadaan oo ciidamadooda u tababaraan dagaalka caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, xaaladaha qaarkoodna ay dib u bartaan farshaxanka iyo xeelada dagaalka caadiga ah.
Sacuudiga ayaa ah dalka lacagta ugu badan ku bixiya militariga iyo hubkooda marka la barbardhigo dhammaan dalalka kale ee Muslimka ah.
Sanadkan oo keliya sagaal iyo lixdan bilyan oo doolar ayuu Sacuudiga oo ah dalka shanaad ee lacagta ugu badan ku bixiya ciidamada – kadib Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Hindiya – ku bixiyay dhanka ciidamada iyo militariga.
Miisaaniyadda difaaca ayaa kaliya sheegta qayb ka mid ah xaqiiqooyinka ka jira dalalka. Xarunta Global Firepower (GFP), oo loo isticmaalo qiimaynta awoodda ciidamada dalalka waxay eegtaa dhawr arrimood, oo ay ku jiraan tayada hubka, baaxadda gantaalaha, tababarka, xulafada, xoogga shaqaalaha, iyo xoogga warshadaha difaaca deegaanka.
Haddaba, waa kuwan shanta dal ee ugu xoogga badan dunida Muslimiinta.




