Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday
29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday “waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka”, xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.
Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka – sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.
Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.
Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.
Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsada.
Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.
Wax si iskiis ah u dhacay ma ahayn in Bambadii nuclear-ka ee ay Ruushka tijaabiyeen ay noqotay mid leh awoodda ay lahayd bambadii lagu magacaabay ‘ninka buuran’ ee uu Mareykanka ku qarxiyay magaalada Nagasaki ee dalka Japan, taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1945-kii.
Hase yeeshee xog aad u culus oo ku saabsan sida Bambadaas loo sameeyay ayaa loo gudbiyay midowgii soviet, waxaana macluumaadkaas bixiyay nin ka tirsanaa dadkii ka qeyb galay mashruucii lagu farsameeyay nuclear-kii ugu horreeyay adduunka ee uu Mareykanku soo saaray.




