Iiraan oo warqad u dirtay Qaramada Midoobey xilli xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay
Warqad loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo wakiilka joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa lagu tilmaamay hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Mareykanka kuwo jebinaya Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana lagu baaqay in hay’adda caalamiga ah ee ay tallaabo degdeg ah qaaddo.
Maalmihii u dambeeyay, Donald Trump ayaa marar badan ka hadlay suurtagalnimada weerar militari oo lagu qaado Iiraan, isaga oo sheegay in haddii Tehran aysan aqbalin shuruudaha Mareykanka, ay la kulmi doonto cawaaqib adag.
Warqad ku taariikhaysan Khamiis, 19-ka Febraayo ayaa Amir Saeed Irvani wuxuu u diray Antonio Guterres, isaga oo ku yiri: “Madaxweynaha Mareykanka gaar ahaan, fariin uu ku daabacay baraha bulshada 18-kii Febraayo 2026, si cad oo aan qarsooneyn ayuu ugu hanjabay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan adeegsiga xoog, isaga oo sheegay: ‘Haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan go’aansato inaysan gaarin heshiis, Mareykanku waxaa laga yaabaa inuu ku qasbanaado inuu adeegsado saldhigga Diego Garcia iyo garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Fairford si loo sameeyo weerar suurtagal ah oo Iiraan ka dhan ah.’”
Isaga oo tixraacaya hadalladan iyo hanjabaado kale oo ka yimid madaxweynaha Mareykanka, kuwaas oo ku soo beegmaya xilli maraakiibta waaweyn oo Mareykanku leeyahay lagu daad-gureyay gobolka, Irvani wuxuu ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Golaha Ammaanka inay tallaabo qaadaan “ka hor inta aanay xeero iyo fandhaaal kala dhcin.”
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay ka codsanaysaa Mudanaha iyo dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka, iyaga oo ku shaqaynaya mas’uuliyadda koowaad ee Golaha ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, inay si buuxda u adeegsadaan dhammaan awoodahooda iyo dadaalladooda si loo hubiyo in Mareykanka si degdeg ah u joojiyo hanjabaadihiisa sharci-darrada ah ee ku saabsan adeegsiga xoogga, isla markaana uu u hoggaansamo waajibaadkiisa ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan Qodobka 2(4).”
Wakiilka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xusay “daacadnimada” Iiraan ee wada-xaajoodyada ay la leedahay Washington, wuxuuna warqaddiisa ku qoray in, sida uu arko, haddii dhinaca Mareykankuna muujiyo daacadnimo, “gaaritaanka xal waara oo dheellitiran ay gebi ahaanba suurtagal noqon doonto.”




