Guriga Andrew oo la baadhayo iyo wararkii ugu dambeeyay ee xadhigiisa

Andrew Mountbatten-Windsor ayaa la sii daayey ayadoo uu baaritaan ku socdo, ka dib markii la xiray sababo la xiriira shaki salka ku haya six un u isticmaalid xafiis dawladeed.

Subaxnimadii Khamiista ayaa booliska Thames valley waxay sheegeen inay xireen nin ku jira da’aadda lixdameeyada oo ay ka soo qabteen Norfolk, waxayna wadeen baaritaan ay ka samaynayeen adareesyo ku yaalla Berkshire iyo Norfolk.

Boqor Charles-ka 3aad ayaa yiri “sharcigu waa inuu shaqeeyo” isagoo ka jawaabayey xarigga Andrew, booliskana wuxuu sheegay “inay haystaan taageeradiisa iyo wadashaqayntiisa kal iyo laabta ah”.

Boolisku waxay goor sii horreysay sheegeen inay ka baaraan degayaan in baaritaan lagu sameeyo Andrew asbaabo la xiriira ku xirnaanshihiisii Jeffret Epstein , ayna dib u eegayaan eedeymaha sheegaya inuu bixiyey macluumaad sir ah.

Xiriirka dhex maray labada nin ayaa ka soo muuqday faylasha ay sii deysay xukuumadda Maraykanka.

Hadal ay booliska Thames Valley soo saareen ayey ku xaqiijiyeen in ninkaas “la sii daayey ayadoo uu baaritaan ku socdo”. Waxay intaa ku dareen in baaritaankii ay ka wadeen Norfolk uu hadda soo dhamaaday.

Amiirkaas hore ayaa la soo sawiray isagoo saaran kursiga dambe ee gaari ka dib markii uu ka soo baxay saldhigga booliska ee Aylsham.

Tani waa markii ugu horreysay ee la xiro Andrew. Wuxuu si isdabajoog ah u beeniyey in uusan samayn wax khalad ah.

Booliska Thames Valley ayaa sheegay ka dib markii ay sameeyeen “qiimayn dhamaystiran” in hadda la furay baaritaan rasmi ah.

Waxay kaloo sheegeen in horraantii Febraayo inay qiimaynayeen baaritaan kale oo aan midkan ahayn oo ku saabsan in haweeney uu u soo diray Epstein si ay ula galmooto Andrew sannadkii 2010. HAweeneyda oo aan British ahayn ayaa xilligaas ku jirtay da’da 20meeyada.

BBC ayaa fahamsan in booliska Thames valley ay xiriir la sameeyeen xafiiska arrimaha gudaha ayagoo siiyey diginin hordhac ah ka hor intii aan la xirin Andrew Moutbatten-Windsor.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker