Dhakhtar Lagu Xidhay Pakistan Marki Caruur Badan Ku Dhacay HIV

Bishii la soo dhaafay, in ka badan 607 qof oo boqolkiiba 75 ay yihiin caruur, ayaa qaaday caabuqa ka dib markii warar been abuur ah oo la xidhiidha  xanuunka la faafiyay. Waalidiinta waxay caruurtooda geeyeen xarun caafimaad oo laga dhex sameeyay cisbitaal ay dowladda leedahay taas oo ay aasaatay waaxda caafimaadka ee gobolka Sindh ee dalka Pakistan.

 

Waxay noqotay arrin la yaableh, si kastaba xaqiiqadu waxay tahay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee gobolkaas ay ka dhacdo xaalad tan la mid ah, sannadihii lasoo dhaafay.

 

Astaamihii ugu horeeyay ee muujinayay in ay wax qaldanaayeen waxaa, Bishii February, lagu arkay magaallo yar oo ku taalla Koonfurta Pakistan oo lagu magacaabo Ratto Dero,  Waalidiin badan oo walaacsan ayaa u tagay dhaqtar waxayna u sheegeen in caruurtooda aysan ka kicin Xumad joogto ah.

 

Waxaa la xidhay dhaqtar caafimaad oo ku taqasusay caruurta, Dr Muzaffar Ghangro. Waxaa lagu eedeeyay faafinta xannuunka isagoo adeegsanaya cirbado.

 

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker