Ruushka oo dab lagu ciyaarayo ku tilmaamay weerar lagu qaado Iiraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in weerar Maraykanku ku qaado Iiraan uu yeelan doono cawaaqib xumo weyn.
Wareysi habeenkii xalay uu la yeeshay telefishinka Al Arabiya ee Sacuudi Carabiya ayaa la baahiyay maalin ka dib markii wakiillo ka socda Iiraan iyo Maraykanka ay yeesheen wada-hadallo aan toos ahayn oo ka dhacay Geneva, Switzerland, oo ay dhexdhexaadinaysay dowladdaCumaan, si looga hortago xiisad sii baahda oo u dhexeysa Washington iyo Tehran.
Mr. Lavrov ayaa qayb ka mid ah wareysiga ku yiri: “Weerar lagu qaado Iiraan ma laha cawaaqib wanaagsan. Horey waxaa weerarro loogu geystay goobaha nukliyeerka ee Iiraan oo ay gacanta ku hayso Hay’adda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah. Sida aan ognahay, waxaa jiray khataro dhab ah iyo halis ka dhalan karta shil nukliyeer.”
Sidoo kale wuxuu yiri: “Si dhow ayaan ula socda falcelinta dalalka Gacanka Carabta ee gobolka. Qofna ma doonayo inuu xiisadaha kiciyo. Qof kastaa wuu garanayaa in arrintani tahay sidii in dab lagu ciyaarayo.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in xiisadaha sii kordhaya ay baabi’inayaan tallaabooyinkii wanaagsanaa ee la qaaday sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan horumarinta xiriirka Iiraan la leedahay dalalka deriska ah, gaar ahaan Sacuudi Carabiya.




