Taalibaanka Afghanistaan oo sii daayay askar ay dagaal ku qabteen
Afhayeenka xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa u sheegay BBC in saddex askari oo u dhashay Pakistan laga sii daayay xabsiga munaasabadda bisha Ramadaan awgeed, iyada oo dhexdhexaadin ay sameysay Sacuudi Carabiya.
Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in askartaas la qabtay intii lagu jiray “weerarro aargoosi ah” oo ay fuliyeen ciidamada xukuumadda Taliban ee ku sugnaa aagga Durand ee koonfurta Afghanistan 12-kii bishii Oktoobar.
Afhayeenka xukuumadda Taliban ayaa intaas ku daray in “Imaarada Islaamiga ah ay sii deysay maxaabiistan si loo ilaaliyo xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka kale.” Wuxuu sheegay in ciidamada Pakistan aysan dagaalka ku qaban wax askar ah oo ka socday dhinaca Afghanistan.
War-saxaafadeed ay soo saartay xukuumadda Taliban ayaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo siyaasaddeeda ku aaddan xoojinta xiriir wanaagsan oo lala yeesho dhammaan dalalka, Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan waxay sii deysay saddex askari oo Pakistani ah oo shalay oo Isniin ahayd soo gaaray Kabul, iyadoo ay la socdeen maxaabiis kale, si loogu maamuuso imaatinka bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah bil naxariis iyo dambi-dhaaf, isla markaana laga jawaabayo codsi ka yimid dalka walaalaha aan nahay ee Sacuudi Carabiya oo martigelinaya wafdi wada-xaajood.”
Pakistan weli wax faallo ah kama aysan bixin sii deynta maxaabiistan.




