๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฑ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐œ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaalada Berbera, halkaasi oo uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadanaya horumarka, bilicda, adeegyada iyo koboca dhaqaalaha magaalada Berbera.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray waddooyin kala duwan oo cusub oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, kuwaasi oo fududaynaya isu socodka, korna u qaadaya ganacsiga iyo isku xidhka xaafadaha kala duwan ee magaalada Berbera.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhigga jaray Cigaal Park, oo ah goob casri ah oo loogu talagalay nasashada iyo isu imaatinka bulshada, taasi oo kor u qaadaysa bilicda magaalada isla markaana abuuraysa jawi dalxiis iyo mid nololeed oo ku habboon horumarka bulshada reer Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu Daah-furay dhismaha cusub ee Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera, oo ah Xarun shaqo oo casri ah, taasi oo xoojinaysa adeeg bixinta iyo hufnaanta maamulka Degmada. Dhismahan cusub ayaa ah mid u taagan oo ka tarjumaya tallaabo muuqata oo loo qaaday dhinaca Dawlad Wanaagga iyo horumarinta Hayโ€™adaha โ€™adaha Dawliga ah.
Mashaariicdan oo ay dhammaantood hirgelisay Dawladda Hoose ee Berbera, ayaa muujinaya kartida iyo himilada maamulka degmada ee ku wajahan horumar waara, isla markaana ka tarjumaya wada shaqayn miro-dhal ah oo u dhaxaysa xukuumadda dhexe iyo maamulka maxalliga ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey sida ay u dammaanad qaadeen adeegyada bulshada ee waxbarashada iyo caafimaadka Degmada Berbera. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu maamulka Degmada Berbera ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo xusay in ay Xukuumaddu sii labanlaabi doonto taageerada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee gobollada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker