Koow iyo toban qof oo lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qaza

Koow iyo toban Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qasa subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca rayidka iyo caafimaadka Falastiin.

IDF waxa ay sheegtay in ay duqaysay bartilmaameedyo argagixisanimo oo ay kaga jawaabaysay xad-gudubyada xabbad joojinta ee Xamaas, iyo in maleeshiyaad la dilay ka dib markii ay ka soo baxeen godka aagga ay ka taliyaan millatariga Israa’iil.

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday xero teendho ah oo ku taal waqooyiga Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof, halka weerar kale oo ka dhacay koonfurta marinka ay ku dhinteen shan.

Labada dhinac Israa’iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeya xadgudubyo maalinle ah oo ka dhan ah heshiis xabbad-joojin ah oo jilicsan tan iyo markii uu dhaqan galay 10kii Oktoobar.

Waaxda Difaaca Rayidka ee Gaza ayaa sheegtay in 11 qof lagu dilay duqeymaha, halka shaqaalaha isbitaalka Al-Shifa ay sheegeen in qof 12aad lagu dilay rasaas, marka laga reebo duqeymaha cirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker