Madxweyne Cirro oo joojiyay Xafladihii ay qabsanayeen Wasaaraduhu.
KU: Dhammaan Wasaaradaha, Hayβadaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda
π¨ππππππ’: ππ’π’πππ‘π§π π«πππππππππ ππ¬π’ π π¨π‘πππ¦πππππππ πππππ-π ππ₯ππ‘π§π π¦πππ€ππππππ ππ’πͺπππππ
Mudane /Marwo,
Anniga oo fulinya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u goβaamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.
Goβaankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha baβan ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.
Abaaruhu waxa ay sababeen biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.
Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in Hayβadaha Dawladdu ay muujiyaan Masuuliyad Qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo Xaaladaha Biniβaadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.
Goβaankani waxa uu khuseeyaa dhammaan Wasaaradaha, Hayβadaha Madaxa-bannaan, Wakaaladaha iyo Hayβad kasta oo Dawladeed.
Sidaa darteed, waxa la idinka filayaa fulin degdeg ah iyo u hoggaansanaan buuxda.
π
ππππ ππππ ππ:
Munaasibadaha Furitaanka Mashaariicaha horumarku Qaranku kuma jiraan go’aankan uu Madaxweynuhu soo saaray.




