Xukuumadda Somaliland oo nabad dhex dhigtay beelo colaadi ku dhex martay gobollada galbeedka.

 – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay nabad dhex dhigtay laba beelood oo dhawaan dagaallo ku dhexmareen gobollada Awdal iyo Salal ee galbeedka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in guryo ay qoysas deggan yihiin la gubay, dadna la laayay, isaga oo sheegay in uu ahaa dhaqan aan shacabka deegaanka lagu aqoon. Waxa uu xaqiijiyay in dadkii falka geystay loo taxaabay xabsiga Madheera, isla markaana ilaa 30 qof ay hadda ku xidhan yihiin.

“Dadkii halka joogay waxa aanu u sheegnay in xukuumaddu ay fulin samaynayso, oo aan loo dulqaadanayn dad dambiilayaal ah. Odayaashii way nala qaateen, geed-geed ayaanu uga shaqaynaynay” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Somaliland hawlgal ay fuliyeen dhawaan ay kusoo qabteen dad jidgooyo ku dilay shacab, isla markaana qaar ka mid ah dablaydii dhibaatada geysatay la laayay.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay diiday in la arko dad shacab ah oo hubaysan, isaga oo sheegay in dhammaan deegaannadii ay fadhiyeen ciidamo beeleedka la maray, isla markaana odayaasha laga saxeexay nabadgelyo buuxda.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin xuduudaha galbeedka, isla markaana aanay jirin ciidamo beeleed ka soo tallaabay xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo wararka sidaas tilmaamay ku sheegay been abuur.

Waxa uu sheegay in la soo xidhay nabaddii beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo kicin dadweyne samaysa ama nabadda ka hor timaadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker