Imisa diyaarado dagaal iyo ciidan ayaa saaran markabka ugu wayn ee xambaara diyaaradaha?

USS Gerald R. Ford waa markabka diyaaradaha xambaara ee ugu weyn dunida, waxaana saaran in ka badan 4,000 oo ciidan ah iyo siddeed guuto oo diyaarado ah.

Gerald R. Ford wuxuu qaadi karaa in ka badan 75 diyaaradood oo milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee F/A-18 Super Hornet iyo diyaaradaha E-2 Hawkeye, kuwaas oo bixiya adeegaya sidii nidaam digniin hor -dhac ah

Markabkan waxaa loogu magac daray madaxweynihii hore ee Mareykanka, Gerald Ford, oo geeriyooday 2006. Intii lagu jiray dagaalkii labaad, wuxuu gaaray darajada janaraal kadibna wuxuu noqday madaxweynihii 38-aad ee Mareykanka.

Waxaa uu kaga duwan yahay maraakiibta kale ee diyaaradaha xambaara inuu leeyahay warshad tamar nukliyeer cusub, oo awood u leh inay soo saarto ku dhawaad saddex jibaar koronto ka badan, iyo sidoo kale nidaam koronto-magnetik ah oo diyaaradaha kiciyo si uu u beddelo nidaamkii hore ee “steam catapult,” sida uu sheegeen saraakiisha ciidamada badda ee mareykanka.

Ciidanka Badda Mareykanka ayaa ku tilmaamay markabkan “mucjiso tiknoolajiyadeed,” iyagoo sheegay in dhismihiisu qaatay 12 sano oo qorsheyn iyo dhisid ah. Waxaa la bilaabay dhismihiisa 2009, waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay adeegga Ciidanka Badda Mareykanka 2017.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker