Shariif Sheekh Axmed: Waxa ka socda Golaha Baarlamaanka Waa Mas’uuliyad-darro Khatar ku ah hannaanka Dowlad-dhiska Soomaaliya
Madaxweynihii hore ee Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay xaaladda ka taagan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid muujinaysa mas’uuliyad-darro halis ku ah hannaanka dowlad-dhiska dalka.
War-saxaafadeed uu maanta soo saaray, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka, oo ah muraayadda ugu sarreysa ee ka tarjunta dowladnimada iyo sharciga dalka, aysan marnaba noqon karin goob lagu burburiyo nidaamka dowlad-dhiska ee Soomaaliyeed, kaas oo uu tilmaamay mid si dhib badan lagu soo dhisay.
“Waa mas’uuliyad-darro waxa ka socda golahii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah muraayaddii dalka, mana ahan suuragal in horteenna lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhiska dalkeenna oo meel fog laga keenay,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah u dhaliilay tallaabooyin uu sheegay in ay wadaan Madaxtooyada, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan hay’adaha dastuuriga ah, isla markaana ay wiiqayaan kala madax-bannaanida iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in arrinta haatan taagan ay saameyn toos ah ku yeelan karto hab-dhaqanka hoggaanka baarlamaanka, isaga oo muujiyay walaac ku aaddan in xildhibaanada qaarkood laga hor istaagayo gudashada waajibaadkooda sharciyeed.
Dhanka kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xorriyadda hadalka, warbaahinta, iyo xaqa cabashada dadweynaha ay yihiin tiirar dastuuri ah oo aan la cabburin karin, isagoo ka digay in tallaabo kasta oo lagu xadgudbo xuquuqahaas ay sii hurin karto qalalaase siyaasadeed iyo kalsooni darro shacabka iyo dowladda ka dhex dhalata.
Ugu dambayn, Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaado door hoggaamineed oo mas’uuliyad ku dhisan, kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta burbur ku yimaada nidaamka dastuuriga ah, gaar ahaan xilli uu dalku wajahayo duruufo siyaasadeed iyo amni oo adag.





